Monday, September 6, 2010
War Jiraaba Cakaaruu imaan

Waxaa magalada Columbus, Ohio ka furmi doona tartanka sanadlaha ah, tartankan oo laqabto watiga xagaaga ah. wuxuuna  tartankan furmi doonaa Friday April 2 through Sunday April 4. Waxaan ka soo qaybgali doona dhamaan bahdaweenta sportiga ee ku kala firdhisan waqooyiga America. Waxaa sanad kan ku tartami doona koobkan 12 kooxood, kooxahaan  oo run ahaantii aan dhihi karno in ay tartankan aad isugu soo diyaariyeen kooxwalbana  ay ku rajawayeentahay  in ay sanadkan noqoto kooxdii hanan laheed  koobka.

 

Midnimo

Kooxda Midnino ayaa sandkii lasoo dhafay  hanatay Koobka sanadlaha ah ee xagaaga, Indoor Spring Soccer tournament. midnimo ayaa  Kamida  sedexda kooxood ee  ka yimaada  magalada Minneapolis Mn , midnimo ayaa isku dayaysa in ay ku ceshato sanadkan koobka, ay na noqoto kooxdii labaad ee koobkan qaada laba goor  iyo intii ka badan (Columbus Stars 4times). Balse kooxaha kale ayaa aguna miskaxdooda ku haya arin ka duwan tan ay midnimo ku rajawayntahay.

Columbus Stars

Kooxda Columbus Stars ayaa ah kooxda marti galisa koobkan  sanad walba , kooxdan waxay koobkan  ku guulaysatay  afar mar, ahna kooxdii gashay kaalinta labadaad sanadkii lasoo dhaafay. Kooxdan ayaa run ahaantii sifiican iskugu diyaarinaysay koobkan kuna raja ween in ay ka gudubto meeshii sanadkii hore lagu reebay(Final) ayna hanato koobkii shanaad ahna sanad guuradii tobnaad ee koobkan la qabto.

Atl-Horseed

Macalin Givtin iyo kooxdiisa oo raba in ay iyaguna hantaan koobkan markii labaad, atl-horseed oo ahayd sanadkii lasoo dhafay (sami-finals). Macalin Givtin oo run ahaantii mar walba kooxdiisa looga bartay ciyaar wanaag ayaa waxa uu ku rajaynayaa in uu isku hanto ciyaar fiican iyo raysmo .

Twin City Stars

Kooxda Twin City Stars oo run ahaan tii aan dhihi karno in ay tahay koox ka mid ah kooxaha ugu  facween ee ka dhisan waqoyiga  America.  Twin City Stars ayaa dhisan in ka badan 15 sano ahna kooxdii ugu horaysay oo dhalinyaro ah oo laga dhiso Magalada Minneapolis Mn .Twin City Stars ayaa iyaduna ku guulaysatay koobkan hal mar  soona bandhigi jirtay ciyaar xirfad leh.

Washington DC

Washington DC  waa kooxda  ugu facween ee ka dhisan waqooyiga America, dhisana in kabadan 20 sano  aana dhihi karno in ay tahay kooxda ugu aqlaaqda fiican uguna gudi wanaagsan kooxaha ka dhisan waqooyiga America. kooxdan ayaa ayaduna hal mar ku guulaysatay koobkan, rajeenasana in ay ku guulaysato markii labaad koobka sanadkan.

Toronto Canada

Toronto Canada ayaa ah magaalada ugu fir fir coon uguna xiiso badan xaga sportiga marka loo eego magaalooyinka kale ee Waqooyiga America . Toronto ayaa ka mida 4 tii kooxood ee  bilaawday koobkan, sanad walbana soo bandhigi jiray ciyaar aad u wanaagsan. nasiib wanaag Toronto kuma aysan guulaysan koobkan wallow ay timid dhoor jeer (finals). Wuxuu noo sheegay qaban qaabiyahooda Hassan Owle in uu sanadkan ulal aruursi iyo dadaal ugu jiro sidii uu sanadkan u hanan lahaa koobkan ugana gudbi lahaa nasiib darada kooxdiisa heesta.

 

Mugadisho-Tenn

Mugadisho_Tenn ayaa ah koox wax badan ka dhisan magaalada Tennessee, kooxdan oo soo hanatay guulo badan, ayaa ayaduna sanadkan isu diyaarinaysa in ay noqdaan koox ka mida kooxaha ku guulaysatay koobkan. Mugadisho-Tenn ayaa run ahaantii waxaa soo maray ciyaartoy qibrad iyo firfircooni u lex kubada cagta ciyaatoydaas oo badankood ka fadhiistay ciyaaraha hada.

Main

Kooxda Main ayaa ah dhalinyaro aad u aqlaaq wanaagsan,  kuna  guuleestay kooxda ugu aqlaaq wanaagsan kooxaha ka soo qeebgala tartankan. Macalin Cabdulahi ayaa si aada isugu mashquuliyay in ay dhalinyaradan ay soo dhexgalaan mushtamacooda somaliyeed maadaama ay dagan yihiin meel ay somalidu ku yartahay kana fog yihiin magaalooyinka ay somalidu daganyihiin iyagoo run ahaan tii u soo socda magalada tartanka lagu qabanayo in ka badan 15 sacadood. Kooxdan ayaan dhihi karnaa in ay tahay koox aanan waligeed is dhiibin sanad walbana ku rajaween sidii ay guul uga gaari laheed tartankan.

Soma-Tigers

Soma-Tigers ayaa kamida kooxaha ugu firfircoon waqtigan hada lajoogo, ahna koox guulo badan ka soo hanatay magalada Minneapolis Mn iyo meelo kaloo badan. sanad yadii ugu danbeeyay waxay kooxda tigers ku jirtay kooxaha looga baqayey in ay sanad walba koobka qaadaan, lakiin nasiib wanaag wali kuma aysan guulaysan wallow looga qaaday koobka laba sono kahor finalka. Waxayna sidii caada u aheed sanadkan ku soo talagashay in ay hanato koobkan

Tss-Tenn

Tss-Tenn waxay ku guulasatay koobkan laba sano ka hor. Tss-Tenn oo run ahaan tii aan dhihi karno in ay soo bandhigeen ciyaar aad u fiican haba ugu fiicnaadaan sanadkii ay koobka qaadeen, tss oo rabta ayaguna in ay noqdaan kooxaha yar oo koobkan ku guulay 2 mar iyo wixii kabadan.

LA-Stars

LA-Stars ayaa ah markii ugu horeesay oo ay ka soo qeebgalaan tartanka. Waxayna rajo ween ka qabaan  in ay noqdaan kooxdii sanadkoodii ugu horeeyay qaada koobkan.

Seattle

kooxda Seattle oo ka soo qeeb galayso koobkan sanadkii labaad, ayaa waxaa sanadkii lasoo dhaafay ay isku raaceen ciyaartooyda iyo macalamiinta  ka soo qaybgalay tartankan in ay kooxda seattle aheed kooxda ugu ciyaarta fiican, lana rajaynayo in ay soo bandhi doonaan ciyaar tii sanadkii hore ama mid ka fiican waxaana rajo ween ku jirtaa tababaraha kooxda seattle Muslimiin in uu koobka dhigo kaydka koobabka ee magalada Seattle.

Warjiraaba Cakaaruu imaan

 

Bashir Gelle